4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Talaado, April, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo isbuucii labaad howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Halgan ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano cusub.

Deegaanada cusub ee ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen waxaa ka mid ah Xarartiir, Garasyaani, Baarey, Baladul Amiin iyo kuwo kale oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, gaar ahaan hareeraha jiinka wabiga Shabelle.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamadaan oo la hadlay warbaahinta qaranka waxay sheegeen in howlgalada ay ku burburiyeen godadkii iyo difaacyadii Ururka Al-shabaab ka qoteen degaanadaas, iyagoona sidoo kale sheegay iney ku daba jiraan firxadkooda.

Saraakiisha ciidamada ayaa intaasi ku daray hadalkooda ineysan jirin wax iska horimaadyo oo ay kala kulmeen kooxda Al-shabaab inta ay ku guda jireen howlgalada ay kula wareegeen deegaanada cusub, islamarkaana Shabaab ay isaga carareen deegaanadan markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Tan iyo markii uu bishaan bilowgeedii Baledweyne uga dhawaaqay giddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen in ka badan 10 deegaan oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Baledweyne iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.