4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2023
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uk oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

Talaado, April, 18, 2023 (HOL) - Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Muqdisho kula saxiixday Xafiiska Dawladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha horumarinta caafimaadka.

Heshiiskan ayaa dhigaya mashruuc caafimaad oo laga hirgalin doono qaybo ka mid ah dalka, kaas oo la rajaynayo inuu wax weyn ka tari doono hoos u dhiggidda dhimashada dhallaanka iyo Hooyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegey in Dowlada Ingiriiska ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dawladda Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale Wasiirku hoosta ka xarriiqay muhiimadda Mashruucani u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Sii hayaha safiirka safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo Lottie Burrows ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ka go’antahay sii wadidda taageerada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go'an tahay baahinta iyo tayaynta Barnaamijyada Caafimaad ee dalka si loo helo Bulsho bedqabto, iyadoo la raacayo yoolka Caafimaadka ee Dowladda.