3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Milatariga Kenya oo sheegay in ay dileen 12 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab
 

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen kooxda Alshabaab.

Sida lagu sheegay war qoraal ah, Milateriga Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahannada ka dib markii ay isku dayeen in ay weeraraan xero ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya.

“Ciidanka Difaaca Kenya waxa ay dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku qaadaan Saldhigga Howlgalka ee tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin un kadib markii saddex askari oo Kenyan ah iyo shan kale ay ku dhaawacmeen kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Jubbada hoose ee Jubbaland.












Click here
11/24/2022 10:53 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Alshabaab.

11/24/2022 10:43 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa kulan la qaatay guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, qorsheynta, iyo iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee baarlamaanka.

11/24/2022 9:38 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Maqalle ee gobolka Tigray gaaray Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo, iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxweynaha degaanka Tigray Debretsion G/Michael.

11/24/2022 8:36 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyey Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed oo kala ahaa Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Kooxda Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista guddoomiye ku xigeenka cusub ee Bangiga Dhexe.

11/24/2022 2:42 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Afrika (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada ATMIS.

11/24/2022 2:12 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceeldheere Buraale ciidamada dib u xureynta deegaanka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.