4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil toogasho ah ku riday askari Tooreey ku dilay qof shacab ahaa
 

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsana ciidanka Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Askariga xukunka dilka toogashada lagu riday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim, kaasoo ku eedeysan dil uu geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdullaahi Cali 25-kii bishii April ee sanadkan 2022-ka, dilkaas oo ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdsho.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu marxuum Cabdifataax Cabdullaahi uu u dilay Janta siigarka lagu shito sigaarka oo ay ku wada murmeen, taasina ay keentay in eedeysanahan uu marxuumka ku dilo tooreey ama mindi.

Fadhiya kala duwan oo ay Maxkamadda ciidamada yeelatay ayaa 21-kii bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim xukun dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi Cali, sidaasna waxaa dhinacyada dacwadda u dhaxeysay ka hor sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida, islamarkaana xukunsanaha uu wali heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.