4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Guddoomiye Xirsi: Qudbada madaxweynuhu waa shimbirayohow heesa

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qudbad sannadeedka madaxweynaha Somaliland uu u jeediyay labada gole baarlamaan ku tilmaamay qudbad aan nuxur badan lahayn.

Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in madaxweynuhu aanu soo gudbin qorshe doorasho lagu galayo oo cad, sidaas darteedna anay qudbada madaxweynuhu lahayn nuxur badan.

"Haddii Madaxweynaha wakhtigiisi dhammaaday aanu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho dee waxay iila muuqataa khudbad aan nuxur lahayn iyo "Shimbirayahow heesa" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sidookale madaxweynaha ku eedeeyay in qudbadiisu anay sheegin qorshaha xukuumada ee sannadkan ama sannadka soo socda, isla markaama ay kusoo beegantahay xili sannadkiiba kala badhyayahay. Waxa kale oo uu ku andacooday in qudbadu anay soo bandhigin xalal wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka taagan.

Waxa uu sheegay in khudbadu ay ka koobnayd kaliya, dhacdooyin dhacay sannadkii hore, isla markaana ay ku jireen warar aan sugnayn oo la xidhiidha mashaariicaha ay xukuumadu fulisay.

Xukuumada iyo mucaaradka Somaliland ayaa si wayn iskugu khilaafsan ta hordhacaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururrada siyaasada, mucaaradka ayaa doonaya in doorashada madaxtooyada lasoo horaysiiyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online