4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Kenya oo heegan gashay kadib weerarkii Alshabaab ku qaadeen ciidamada Burundi

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay feejignaantooda kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada midowga Afrika ee Burundi ay ku lahaayeeen gobolka Shabeelada dhexe.

Kenya ayaa kordhisay ilaalinta xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo qorshayaasha ay maleegayaan Alshabab, sida uu sheegay sarkaal katirsan laamaha dalka Kenya.

"Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya ka dib dhammaadka bisha Ramadaan," ayuu yiri sarkaalkan.

Todobaadki hore, taliyaha ciidamada difaaca Kenya Gen Robert Kibochi ayaa xarunta Pentagon-ka kula kulmay gudoomiyaha ciidamada isku dhafka ah ee dalka Mareykanka General Mark A. Milley.

Labada hogaamiye ee ciidamada ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dal, gaar ahaan sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]