4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Golaha Midowga Musharaxiinta oo ku bogaadiyay Raysal wasaare Rooble dib usoo celinta xiriirka dowlada Imaaraadka Carabta
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku doonayo inuu dib usoo celiyo xiriirkii istaraatijiga ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in la xumeeyay sanadahii u dambeeyay.

"Golaha Midowga Murashaxiintu, wuxuu uga mahadcelinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiiyey dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka Raysalwasaare Rooble uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii danbe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhexeeyey dawladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horrayso dawladda Imaaraadka Carabta" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Musharaxiinta.

Midowga Muaharaxiinta ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay deeq gargaar ah oo ay maanta soo gaarsiiyeen dowladda Soomaaliya, taasoo ay ugu tala galeen in la gaarsiiyo dadka ay saameysay abaaraha daran ee xiligaan ka jira qeyba ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka Golaha Midowga Musharaxiinta oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online