3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Xukuumada Somaliland oo ku dhawaaqday qayladhaan abaareed
 

Khamiis, January, 13, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in abaaro ay ku dhufteen dad tirradoodu dhantahay 810,000 oo ku kala nool 6 gobol oo Somaliland ah.

Madaxweyne ku xigeenka oo u hadlayay guddi uu madaxweyne Biixi u magacaabay gurmadka abaaraha, ayaa sheegay in abaaro ba'ani ay ku dhufteen deegaano kamid ah Somaliland.

"Waxaanu maanta halkan usoo joogsanay hadii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, kadib markii roobkii gugu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka" ayuu yidhi Saylici.

Saylici ayaa sheegay in abaartu saamaysay dad hal-milyan ku dhaw oo ku kala nool lix gobol oo Somaliland ah.

"Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobolada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodijeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun)" ayuu yidhi Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Hay'adda Maaraynta Aafooyinka Somaliland, diyaarisay raashin la gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen, isla markaana xukuumadu diyaaraysay lacag dhan 3 milyan oo dollar oo wax lagaga qabanayo abaarta

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/13/2022 12:23 PM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hay’addaha dowladda uga digay in ay ku tagrifal ku sameeyaan hantida dowladda oo ay gacanta ku hayaan.

1/13/2022 9:59 AM EST
Khamiis, January, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Sarre ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ku eedeeyay in dacwada xeerka furista ururrada siyaasada aanu daacad ka ahayn.

1/13/2022 7:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in TPLF ay caqabad ku tahay gargaarkii lagaarsiin lahaa dadka dhibaataysan, ee gaajada iyo dhibaatooyinka kale saameeyeen ee ku sugan gudaha gobolka Tigray.

1/13/2022 3:19 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer federal ayaa been abuur ku tilmaamay warqad baraha internetka lagu faafiyay oo la sheegay in xilka looga qaaday guddoomiyihii guddiga doorashada Galmudug, halka mid cusubna loo doortay.

1/13/2022 3:09 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah dib u dhac uu ku yimid banaanbax lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka dhaco, kaasoo looga soo horejeedo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

1/13/2022 12:58 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in dhawaan ay qaban doonaan doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

1/13/2022 12:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Hantidhowrka guud ee Soomaaliya ayaa joojiyay qandaraas uu wasiirka ganacsiga Soomaaliya ku siiyay tayaynta hubinta badeecadaha dekeda Muqdisho, shirkad lagu magacaabo Maru port.

1/13/2022 12:41 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Shirkadda duulimaadyada ee Freedom Airline ee uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa dayuuradii ugu qaad-weyneyd ku soo kordhisay dayaaradeeda. Dayuurddaan oo ah nooca AIRBUS 320 ayaa noqoneysay dayuuraddii labaad laga diiwaan-galiyo dalka Kenya.

1/13/2022 12:33 AM EST
Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiyadii isku xilsaaray dhameynta khilaafka madaxweyne Deni iyo agaasimihii hore ee PSF ayaa ku kala qeybsamay go'aan qaar Isimada Puntland kasoo saareen arrinta Bosaso ka jirta.