4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Somaliland: Dhalinyaro Liibiya laga soo bad-baadiyay oo sheegay in Xamar si qasab ah looga dajiyay
 

Arbaco, January, 12, 2022 (HOL) - 42 dhalinyaro reer Somaliland ah oo dowlada Soomaaliya kasoo daysay xabsiyada dalka Liibiya oo ay ku xidhnaayeen kadib markii ay isku dayeen tahriib, ayaa markii ay Hargaysa soo gaadheen sheegay in qasab Xamar looga dajiyay, laguna qasbay in ay warbaahinta la hadlaan.

"Waan ku faraxnahay in dalkaygii hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland aan kusoo noqdo inkasta oo Xamar nalaga dajiyay oo anaan raali ka ahayn...waxa nalagu qasbay in waraysi qasaba nala waraysto" mid kamida dhalinyarada oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal ee Hargaysa, ayaa sidaa yidhi.

Wiil kale oo kamid ah dhalinyarada dib loosoo celiyay, ayaa sheegay in lagu yidhi Soomaaliya ayaad u dhalateen si qasab ah.

"Laba dowladood oo siman baanu nahay, markaa saaka ayay na afduubeen oo ayna yidhaahdeen Soomaaliya ayaad u dhalateen, umanaan dhalane Somaliland ayaanu u dhalanay" ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay arrimo siyaasadeed uga faa'iidaysatay dhalinyarada lasoo celiyay.

"Waanu ka xunahay in la siyaasadeeyo iyagoon siyaasad ba u baahnayn, oo madaarkii Xamar lagaga dhex hadlo 'midnimada Soomaaliya waa muqadas' inta makarafoono loo dhiibo," ayuu yidhi Xinif.

Mid kamid ah dhalinyarada reer Somaliland, ayaa markii laga dajiyay madaarka Aadan Cadde, ee magaalada Muqdisho, warbaahinta u sheegay in dowlada Soomaaliya ay soo bad baadisay, isagoo u mahadceliyay madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]