4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta lagu fuliyay xukun toogasho ah

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah waxay ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo horay ugu dilay qof shacab ahaa degmada Luuqa ee gobolka Gedo.

Askariga dilka toogashada lagu fuliyay maanta ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamuud Xasan oo loo yaqiinay Dhafoor, kaasoo la sheegay inuu horay u dilay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaaj.

Goobta fagaaraha aheyd ee dilka toogashada lagula fuliyay askariga horay dilka ugu geystay qofka shacabka ahaa ayaa waxaa ku wada sugnaa ehelada labada dhinac iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.

Dilka askarigaan ayaa imaanaya xili bishii lasoo dhaafay degmada Baled Xaawo sidaan oo kale dil toogasho ah loogu fuliyay askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo isna si ula kac aheyd u dilay laba wiil oo dhalinyaro ahaa oo ciyaar ka daawanaayay garoon lagu cayaaro Kubadda Cagta.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online