4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Puntland oo kala qaaday maleyshiyo beeleedkii ku dagaalamay Saax maygaag
 

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Guddi nabadayn ah oo Puntland u xilsaartay colaadda Saax maygaag iyo Sange jebiye ayaa ku guulaystay in ay kala qaadaan labadii maleyshiyo beeleedkii ee isku horfadhiyay deegaannadii dhowaan lagu dagaalamay.

Guddiga  nabadaynta ayaa sheegay in ay masaafo 30km  dib u durkiyeen malayshiyada, si looga hortago isku dhac kale oo dhex mari kara labada dhinac.

Deegaannada laga saaray maleyshiyo beeleedka ayaa la geynayaa ciiddamo katirsan maamulka Puntland  si ay u xoojiyaan nabada, iyadoo laga ambaqaadayo go'aannadii nabadeed ee dhawaan la dhex dhigay labada beel ee walaalaha ah.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Saax maygaag, dagaalkaas oo salka ku hayay muran ka dhashay deegaamaynta Saax maygaag.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online