3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2022
Rugcadaa saxaafaddeed Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday Talyaaniga
 

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Waxaa xalay ku geeriyooday waddanka Talyaaniga allaha unaxariistee, wariye Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa weriyayaashii ugu magaca dheeraa ee saxaafadda Soomaaliyeed.

Xaaska marxuumka, Ikraan, ayaa sheegtay in seygeeda isaga oo nabad ku seexday uusan nolol lasoo kicin. Waxay sheegtay in uusan jirin wax xanuun ah iyo dhib kale ah oo uu qabay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo siyaasiyiin kale ayaa tacsi u diray qoyska Cabdi Muuse, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa wariye khibrad leh oo dalkiisa iyo dadkiisa jecel.

"Maanta, waxaan weynay saaxiib aad u hal-abuur badan oo karti badan oo macno badan noo lahaa," ayuu Xasan Cali Khayre ku yiri qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook.

Marxuumku wuxuu kasoo shaqeeyey BBC, wakaaladda wararka ee Italia iyo AFP oo aheyd middii ugu waqtiga dheereed ee uu u fadhiyey Nairobi. Inta uusan gaarin da’da uu uga fariisanayey shaqada saxaafaddeed.

Talyaaniga ayuu sanadihii ugu dambeeyay ku noolaa, isagoo ugu wareegay howlo Caafimaad.












Click here
8/4/2022 11:01 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenadda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa ka horyimid Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse uu ku dhawaaqay maalin ka hor, iyagoo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha Daarood.

8/4/2022 10:46 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan ku sooo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool, iyagoo watay 45 tigniko ah, oo galbinayay guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland iyo saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Laascaanood.

8/4/2022 8:57 AM EST
Khamiis, Ogosto, 4, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.

8/4/2022 7:46 AM EST
Khamiis, Ogosto, 4, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa markale xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho uga helin xukuumada.

8/4/2022 5:48 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Maxkamad ku taalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo si sharci darro ah u haysatay hub.

8/4/2022 4:05 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Fu'aad Maxamed Khalaf oo loo garasho og yahay Fu'aad Shongale, islamarkaana ka mid ah madaxda sare ee dagaalyahanada Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta Shabaabka ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada dowladda Itoobiya ay ku sheegatay iney ku dishay isaga iyo saraakiil kale dagaaladii la dhacay deegaanka Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool.

8/4/2022 2:38 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada ayaa bixisay 9.5 milyan oo dollar si gargaar bini'aadinimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku dhaqan meelaha macaluusha ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.

8/4/2022 2:00 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Jaylaani Xuseen, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka-Minnesota (CAIR-MN), oo dhawaan booqasho ku tagay Soomaaliya, ayaa soo soo saaray warbixintii ugu weyneyd ee u kaga ka waramayo faragelinta Mareykanka ee Soomaaliya iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee ka dhalatay.