3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2022
Fu'aad Shongale oo beeniyay in lagu dilay dagaaladii ka dhacay xaduuda gobolka Bakool iyo Itoobiya

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Fu'aad Maxamed Khalaf oo loo garasho og yahay Fu'aad Shongale, islamarkaana ka mid ah madaxda sare ee dagaalyahanada Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta Shabaabka ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada dowladda Itoobiya ay ku sheegatay iney ku dishay isaga iyo saraakiil kale dagaaladii la dhacay deegaanka Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool.

Fu'aad Shongale ayaa sheegay inuu nool yahay oo uu caafimaad qabo, islamarkaana ay sii wadi doonaan dagaalada ay ku beegsanayaan ciidanka Liyuu Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Waxa aniga oo nool la hadlaya muslimiinta, waxaa u sheegayna muslimiinta in aan noolnahay oo sharaf leenahay, Waa noolahay waana caafimaad qabaa” ayuu yiri Fu’aad Shangole.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in ciidanka Liyuu Booliiska ay yihiin kuwa ugu liita Maleeshiyaadka soomaalida, isagoo sheegay ineysan waligood guuleysan doonin, maadama ay ku joogjoogsadeen kalmada Towxiidka.

“Liyuu Booliiska waa kuwa ugu liita maleeshiyaadka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, Waxayna ku dambeyn doonaan ciidamada Liyuu Booliska darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas-aasay” ayuu yiri Shongale.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Itoobiya sheegatay iney dileen sadax sarkaal oo kala ahaa Fu'ad Shongale oo ah madaxda tashkiilinta dagaalyahanada Shabaab, afhayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxda ka wado xuduudka dowlad deegaanka ee gobalka Bakool, waxaana sheegashadaasi ay noqotay mid u muuqata been abuur, maadama sadaxda sarkaal laba ka mid ah soo hadleen oo ay sheegeen iney nool yihiin. 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/4/2022 11:01 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenadda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa ka horyimid Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse uu ku dhawaaqay maalin ka hor, iyagoo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha Daarood.

8/4/2022 10:53 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Waxaa xalay ku geeriyooday waddanka Talyaaniga allaha unaxariistee, wariye Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa weriyayaashii ugu magaca dheeraa ee saxaafadda Soomaaliyeed.

8/4/2022 10:46 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan ku sooo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool, iyagoo watay 45 tigniko ah, oo galbinayay guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland iyo saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Laascaanood.

8/4/2022 8:57 AM EST
Khamiis, Ogosto, 4, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.

8/4/2022 7:46 AM EST
Khamiis, Ogosto, 4, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa markale xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho uga helin xukuumada.

8/4/2022 5:48 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Maxkamad ku taalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo si sharci darro ah u haysatay hub.

8/4/2022 2:38 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada ayaa bixisay 9.5 milyan oo dollar si gargaar bini'aadinimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku dhaqan meelaha macaluusha ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.

8/4/2022 2:00 AM EST
Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Jaylaani Xuseen, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka-Minnesota (CAIR-MN), oo dhawaan booqasho ku tagay Soomaaliya, ayaa soo soo saaray warbixintii ugu weyneyd ee u kaga ka waramayo faragelinta Mareykanka ee Soomaaliya iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee ka dhalatay.