4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wafdi xildhibaanno oo la socday oo tagay Muqdisho
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan xildhibaanno katirsan labada aqal ee barlamaanka oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland, ayaa gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan macsalaamayn la qaatay barlamaanka Puntland iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.

Deni ayaa Muqdisho u aaday si uu olalihiisa doorashada halkaas uga bilaabo, lamana oga muddada uu Muqdisho ku sugnaan doono, iyadoo doorashada madaxweynaha aan weli la cayimin.

Madaxweyne Deni ayaa tartanka doorashada ka qeyb galidoona isagoo ah madaxweynaha Puntland, wuxuuna dhag jalaq usiinin baaqyo kasoo baxayay siyaasiyiin, kuwaas oo ka dalbanayay inuu xilka iska casilo kuna wareejiyo ku xigeenkiisa.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ah saaxiibada ee dhow Deni, ayaa sheegay haddii u Deni guulaysan waayo xilka Soomaaliya inuu kusoo laaban doono Puntland.

Deni ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaalo ku marayay dalal dibadda ah, waxaana socdaalkiisa uu salka ku hayay arrimo la xiriira doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online