4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Diiwaan gelinta Musharaxiinta Guddoonka labada Aqal oo Maanta Bilaabaneysa
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa iney si toos ah magaalada Muqdisho uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan guddoonada Aqalka sare iyo kan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraal Soomaaliya.

Sida ku cad jadwalkii shalay ay soo saareen guddiyada qaban qaabada doorashada labada gole oo aheyd in 19-ka bishaan April ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa u tartamida guddoonada labada Aqal iyo labadiisa ku xigeen.

Tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ayaa durba si rasmi ah u shaaciyay iney u taagan yihiin u tartamida guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Doorashada guddoonka labadada gole ayaa loo asteeyay in la qabto maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee todobaadka soo socda oo taariiqdu tahay 26 iyo 27 bishaan Apriil ee 2022.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online