8/8/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Qaramada Midoobay oo gacan ka gaysanaysa dib u dhiska suuqa Waaheen ee Hargaysa
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargaysa oo 1-2 April uu dabaabiiyay.

Qoraalka Qaramada Midoobay oo lagaga warbixiyay socdaal uu Ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Qaramada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani'aadanimo Adam Abdelmoula, ku tagay Hargaysa, ayaa lagu yidhi "Qaramada Midoobay waxa ka go'an in ay taageerto dib-u-dhiska muddada dhaw, muddada dhexe iyo muddada fog".

Adam oo booqasho ku tagay suuqa Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in uu soo arkay xaalad burbur ah oo niyad jabisay, waxaanu sheegay in burburka suuqa soo gaadhay aanu ahayn mid la malayn karo, sida Qaramada Midoobay sheegtay.

"Markii aan maanta arkay burburka uu sababay dabkii ka kacay suuqa Waaheen waxay igu noqotay xaalad adag oo niyadjab leh. Heerka burburka uu gaadhay iyo saamaynya uu ku yeeshay dadka iyo dhaqaalaha, si dadban iyo si toos ahba, maaha wax la malayn karo. Si ba'an ayuu magaalada u saameeyey" ayuu yidhi Adam.

Adam wuxu sheegay in dib-u-dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa aad muhiim u yahay, sidoo kalena ay muhiimad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey, ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
4/19/2022 4:56 PM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha Xisbiga Waddani Cahdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa booqday dad tiradooda lagu sheegay 60 qof, oo laga soo xidhay deegaan dahab laga helay oo kamid ah gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, waxaanu ku baaqay in lasii daayo.

4/19/2022 10:20 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

4/19/2022 8:19 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi maaday oo waraysi siiyay BBCda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, iyo waliba arrimo ay kamid yihiin aragtida ka urur ahaan ay ka qabaan kulanka wadatashiga Qaran ee Itoobiya dhawaan lagu qabanayo.

4/19/2022 8:14 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Marxuum Abwaan Beddel Jaamac ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubaysan ay xalay ku dileen degmada Kaxda, isagoo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadii maqrib.

4/19/2022 6:43 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - 12 kamid ah wariyayaashii 12, April xabsiga loo taxabay ayaa lagu guulaystay in xabsiga laga siidaayo, kadib dadaal ay sameeyeen xildhibaano iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

4/19/2022 5:08 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan xildhibaanno katirsan labada aqal ee barlamaanka oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland, ayaa gaaray magaalada Muqdisho.

4/19/2022 4:04 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

4/19/2022 2:45 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa iney si toos ah magaalada Muqdisho uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan guddoonada Aqalka sare iyo kan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraal Soomaaliya.

4/19/2022 1:52 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay salaadii maqrib kadib ay kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho.