4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo Alshabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Abwaan Beddel Jaamac
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay salaadii maqrib kadib ay kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga sheegay inuu door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta iyo dowlad-dhiska.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyayaasha ahaa ee shalay ay Alshabaab ay la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa, halkaas ay ku shirayeen xildhibaannadda labada aqal ee barlamaanka.

Farmaajo ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada Alshabaab, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammada u taagan sugidda amniga dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online