4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Xisbiga Waddani: Xukuumada waxaanu leenahay xoriyadooda usoo celiya saxafiyiinta

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Hogaanka sare ee xisbiga Waddani oo booqday saxafiyiinta ku xidhan magaalada Hargaysa, ayaa ku baaqay in xoriyadooda loo celiyo.

Saraakiisha ugu saraysa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo ay hogaaminayaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargaysa, ku booqday saxafiyiin toban kor u dhaafaya oo xidhan, ayaa ku baaqay in xoriyadooda losoo celiyo.

"Xukuumada waxaanu leenahay xoriyadoodi usoo celiya, waxan leeyahay yaan saxaafada la cabudhinin, waxaanu u aragnaa car hadla...horay ayaanu u sheegnay in xukuumada maanta jirta ay xidh xidhay wixii rayigooda kasoo horjeeda oo ay xisbiyadu ka midyihiin" sida waxa yidhi guddoomiye Xirsi.

Musharax Cirro ayaa isna sheegay in saxafiyiinta aan loo marin hanaan sharci ah, wuxuu ku tilmaamay gaf sharci, isla markaana waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay cambaaraynayaan.

"Nidaam ala nidaam loo maray ma jiro, dastuur looma marin, xeer looma marin, nidaamka booliisku ku shaqeeyo ee waranada dadka loo jaro looma marin, arrintaa horayna waanu u cambaaraynay waanan ku celinayaa mar labaad, arrintaasi waa gaf sharci" ayuu yidhi Cirro.

Madaxda xisbiga ayaa sheegay in marka laga yimaado in saxafiyiinta xoriyadooda laga qaaday, anay jirin dhibaato kale oo ay sheegteen, isla markaana ay caafimaad qabaan sifiicana loola dhaqmay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online