3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Guddoomiye gobolka Gedo: Raysal Wasaare Rooble wuxuu godob aan haridoonin ka galay shacabka Garbahaareey
 

Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule, ayaa sheegay inay Garbahaareey ku qabanayaan doorashada 16 ka kursi ee aqalka hoose, isagoo beeniyay inay jirto haba yaraatee wax nabad galyo darro ah oo caqabad ku ah doorashada.

Guddoomiye Buule ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu raysal wasaare Rooble godob ka galayo shacabka iyo maamulka Garbahaareey, isagoo sheegay inuu Garbahaareey ka dhigay meel bahalo galeen ah oo aan lagu qaban karin wax doorasho ah.

“Inaad umad dhan masiirkeeda ugu awood sheegato mandate-ka laguu dhiibay, waa dhibaaatooyin aan haridoonin,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in aysan ka haridoonin matalaadooda. Wuxuu sheegay inay diyaariyeen goobihii doorashada lagu qaban lahaa, ayna soo dhoweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa qabsoomida doorashada.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya, xilli guddiga doorashada uu go’aamiyay in doorashada lagu qabto magaalada Ceelwaaq, iyagoo sheegay in Garbahaareey aanay ka jirin nabad galyo la isku halayn karo oo doorashada lagu qaban karo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/17/2022 12:45 PM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa qaar kamid ah xildhibaannada golaha wakiilada ugu jira xisbiga Waddani ku eedeeyay in ay caadaysteen, wax ka sheega iyo u gacan qaadka ciidanka.

4/17/2022 6:38 AM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa iska dhex doortay guddoomiyaha iyo xoghayaha guddiga.

4/17/2022 6:35 AM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa hanjabaadii uu xildhibaan Maxamed Abiib sheegay in uu kala kulmay taliyaha booliiska Somaliland, ku tilmaamay meel ka dhac, isagoo madaxweynaha ugu baaqay in uu raaligalin ka bixiyo.

4/17/2022 6:06 AM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Naif Carab ee Culuumta Amniga ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

4/17/2022 5:14 AM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

4/17/2022 4:10 AM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay duuleedka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

4/17/2022 1:48 AM EST
Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa Xalay magaalada Muqdisho waxay ku dileen Allah u naxariiste Nabadoon Yuusuf Daahir Kheyre oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ahaa magaalada Muqdisho.