4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Banaadir
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, Cumar Filish, oo xilkaan hayay tan iyo 2019 kadib markii la dilay duqii hore, Cabdiraxmaan Yariisow.

Sida uu sheegay madaxweymuhu, wuxuu sheegay  inuu ku xushay guddoomiyaha cusub, waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay. Wuxuuna ku ammaanay inuu door wanaagsan ka soo qaatay dib u dhiska.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir.

Magacaabidda guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegantay, xilli gobolka Banaadir ammaankiisa aad usii xumaanayay muddooyinkii ugu dambeeyay, taasoo loo sababaynayay wada shaqayn la’aanta hay’addaha dowladda.