4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Berri ayaanu sheegayna barnaamijkii aanu Muuse kaga hor tagi lahayn
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay berri ku dhawaaqi doonaan barnaamij ay kaga hortagayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Faysal ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu qorshaystay in uu isaga meesha ka saaro, isaguna uu joogo, isaga oo sheegay in aanu marnaba ogolaan doonin sharci isaga meesha ka saaraya.

"Hadii barnaamijka uu wado ee uu leeyahay intaan ku dilo Faysalow ayaan sharci samaysanayaa, dee ka ogolaan, maayo, miyaan ka ogolaanayaa sharci uu aniga igu baabiinayo oo uu isna ku jirayo" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ay berri ku dhawaaqi doonaan barnaamij ay kaga hortagayaan howla urrurada, qabyaalad uu sheegay in uu madaxweynuhu umada galiyay iyo maciishada qaaliyowday.

"Berrito ayaanu aniga iyo xisbigii kale sheegaynaa barnaamijka aanu kaga hortagayno Muuse wuxuu wado, ee halkuu dalka marinayo kaga hortagaynay, ee qabyaalada uu wad kaga hortagaynay, ee maciishada qaaliyowday kaga hortagaynay" ayuu yidhi Faysal "Berri ayaanu sheegayna cirka hasoo dumiyo.

Guddoomiye Faysal ayaad aad uga cadhaysan furista urrurada siyaasada, isaga oo marar kala duwan sheegay in urruradu ay yihiin dabin la doonayo in isaga iyo xisbigiisa uu 20-ka sanno hogaaminayay meesha lagaga saaro.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]