4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Golaha ammaanka ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelandoona xaaladda Soomaaliya. Waxa uu kulankooda kusoo aadayaa xilli aad looga dayrinayo abaaraha ka jira dalka iyo walaaca laga qabo in xaaladdu macluul isku beddesho.

Golaha ayaa warbixin ka dhagaysan doona wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, kaas oo jeedin doona warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo binia’adanimo ee dalka.

Sidoo kale golaha ammaanka ayaa warbixin ka dhegaysandoon wakiilka Howlgalka midowga Afrika ee  ee ATMIS. Waxaa laga sugayaa inuu golaha ka horjeediyo warbixinta howlgallada nabad ilaalinta ee ka dhanka ah Alshabaab iyo wadashaqaynta ciidamada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli Qaramada Midoobay ay dalbatay hal bilyan oo dollar oo wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya. In ka badan 7 milyan oo shacab ah ayay abaarta saamayn ku yeelatay.

Labo milyan oo shacab ah ayaa ku barakacay abaaraha, waxaana aad u kooban gurmadka dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha UNku ka geysteen wax ka qabashada abaaraha dalka.