4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo Xalay markale ku dhexmaray deegaanka Ceeleey oo qiyaas ahaan degmada Maxaas u jirta ilaa 30KM dagaalamayaal ka tirsan ciidamada la baxay dib xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo dhowr saacadood oo xiriir ah waxaana dagaalka ka dhashay khasaaroyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay dagaalka Xalay ka dhacay deegaanka Ceeleey waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dirirta dhexmartay, iyadoo dhaawacyada dagaalkaasi ka dhashayna tiradooda intaasi ka badan tahay

Dagaalka Xalay ka dhacay deegaanka Ceeleey iyo deegaanada ku dhadhaw  ayaa lasoo wariyay iney ku gacan sareeyeen ciidamada deegaanka oo u suura gashay in ay la wareegaan deegaanadii lagu dagaalamay, islamarkaana dib usoo furteen dad iyo xoolo ay Al-shabaab ka xeysteen deegaanka Ceeleey laba maalin ka hor.

Tan iyo markii Al-shabaab dadka shacabka ahaa ay ku laayeen deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan waxaa kordhay weerarada ciidamada deegaanka uga jawaabayaan falkii Al-shabaab dadka badan ku laayeen bilaawgii todobaadkan.