4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2022
Madaxweynaha Ukraine: Waxaan Soomaaliya ku badbaadinaynaa qamadigeena
 

Arbaco, September, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inay sii waddayaan in ay dunida ku badbaadiyaan hadhuudhkooda.

Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay in 28,600 oo tan oo Qamadi ah uu dalkiisa todobaadyada soo socda gayndoono Soomaaliya oo halis ugu jirta in macluul darran ku dhufato abaarta awgeed.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay saadaalisay macluul inay Soomaaliya ku dhufan karto dhamaadka sanadkan 2022.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in qamadiga dalkeeda kasoo go'a loo daabulo dunida si wax looga qabto gaajada ku habsatay dalalka Afrika kuyaalla iyo qeybo kamid ah Aasiya oo ku tiirsan qamadiga dibadda.

Shixnadii ugu horreeysay ee hadhuudhka Ukraine ayaa dhawaan tagay bariga Afrika gaar ahaan dalka Jabuuti, iyadoo loogu talo galay Jabuuti iyo Ethiopia in loo qeybiyo gargaarkaas, iyadoo lagusoo daabulay maraakiib toos uga yimid dekedaha Ukraine.

Dowladda Turkiga ayaa damaanad ka ah amniga Maraakiibtan, kadib markii heshiis dhinaca cuntada ah ay kala saxiixdeen, Ukrain, Rushia iyo Turkey.