4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Caruur Walaalo ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday miino kula qaraxday gobolka Hiiraan
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Sadax caruura oo walaalo ah ayaa miino kula qaraxday deegaanka Miircadde oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan ilaa 40KM dhinaca Koonfur Bari ee magaalada Baledweyne, xili ay kasoo baxeen dugsi Quraan, waxaana goobta ku dhintay mid ka mid ah iyadoo labada lale dhaawacyo culus soo gaareen la geeyay Isbitaal ku yaala Baledweyne.

Xubno ka mid ah ehelka caruurta dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxa miino ayaa sheegay in caruurta qaraxa miino uu haleelay, xili ay kasoo baxeen dugsi Quraan ku yaalay deegaanka kuna soo jeedeen gurigooda oo ku yaala deegaankaasi.

Maxamed Soomaali oo ah Agaasimaha Isbitaalka la dhigay dhaawaca labada walaalaha ah ayaa sheegay in dhaawacyada caruurta meelo kala duwan uu kasoo gaaray, hayeeshee mid ka mid ah uu daran yahay dhaawaciisa oo ah xubinta taranka oo guud ahaan dhaawac daran ka jiro ayna burbureen xubno ka mid ah lafahiisa.

“Waxaa naloo keenay bukaano labo carruur ah oo dhaawacyo kasoo gaaray qarax miino, kuwaas oo da’doodu waa 13 iyo 10 jir, bukaanka 13 jirka ah ayaa ugu daran oo waxaa guud ahaan dhaawac kasoo gaaray xubinta taranka, Gacanta bidix oo lafo ka mid ah burbureen iyo lugtaba, wayna dhiigbaxeen, waxaana si dhaw ula socon doonaa xaaladooda Caafimaad oo aan ku dadaali doono in aan halkaan ku daweyno” ayuu yiri Dr. Maxamed Soomaali.

Qaraxaan miino ee dhimashada iyo dhaawaca u geystay caruurta walaalaha ah ayaa kusoo beegmaya xili bilahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo Macawiisleey oo dhinac ah iyo Al-shabaab ay ku dagaalamayeen deegaanada dhaca Bariga Baledweyne, waxaana meelaha qaar ee deegaanadaasi ay miinooyin noocaan oo kale ah ay kula qarxeen gaadiid ay saarnayeen dad shacab ah, iyadoo qaraxyada miino la tilmaamay in Al-shabaab ay wadooyinka ku aaseen.