4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Ururka ONLF " ONLF waxay aaminsan tahay in Itoobiya ay haysato dhul Soomaali leedahay"
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Nuur Faatulle oo kamid ah xubnaha u sarreeya ee ONLF oo waraysi siiyay Warbaahinta ku hadasha afka Ururka ONLF ayaa ka hadlay xaaladda galbeedka gobolka Siti, gaar ahaan dhulkii ay dhawaan Canfartu qabsatay.

Ugu horreyn Nuur Faatulle waxa uu sheegay in ONLF ay aaminsan tahay in dowladda Itoobiya ay haysato dhul Soomaaliyeed, fikirkaas oo uu sheegay in shacabka degaanku aaminsan yihiin, ONLFna ay fikirkaas la qabto shacabka.

" Dowladda Itoobiya in dhul Soomaaliyeed ay haysato ayay ONLF aaminsan tahay, dadkuna in doonistooda aysan meelna ku tagin ayay aaminsan yihiin, ONLFna sidaas ayay aaminsan tahay". ayuu yiri Nuur Faatulle oo kamid ah xubnaha u sarreeya ONLF.

Nuur Faatulle oo kamid ah xubnaha u sarreeya ee ONLF ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta galbeedka Siti, iyo dhulka ay Canfartu qabsadeen isagoo yiri " Canfar haddii dowladihii kala duwanaa ee Itoobiya soo maray ay siiyeen dhul Soomaali leedahay, ONLF taa aqoonsi uma hayso waana lasoo celin doonaa wakhti ay noqoto, wadadii lagu soo celin karana waa lagu soo celin doonaa".

Isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu yiri " Nasiib darro ayay ahayd in dadka Soomaaliyeed aysan dowladdu u sheegin siyaasad qeexan oo ay ka lahayd colaadda, daandaansiga iyo dal ballaadhsiga ee ay Canfartu ku hayso dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Siti".

Dhawaan ayay ahayd markii gobolka Siti gaar ahaan galbeedkiisa ay xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu ay ka sameysay labo degmo oo cusub, taas oo dadka qaarkii iyo ONLF ay u aamineen in labadaas degmo ee cusub ay baddal u yihiin dhulkii ay Canfartu qabsadeen muddo ka hor ee Garbaciise, Cundhufo iyo Caddeytu.