4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Dowladda Soomaaliya oo Maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro ku dhibaateysneed dalka Libya
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xafiiska Ergayga gaarka ah ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celiyey ilaa sagaal dhalinyaro ah oo sanado badan gacanta ugu jiray Magafaha dalka Liibiya oo ay kasoo baxsadeen, kadibna tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay magaalada Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Dhalinyarada Maanta dalka dib loogu soo celiyay waxaa garoonka diyaarradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta dowladda Soomaaliya Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo qaar ka mid ah ehelada dhalinyarada dalka dib loogu soo celiyay.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen iney ku faraxsan yihiin iney Maanta dalkooda dib ugu soo laabteen, kadib mudo badan oo ay sheegeen iney dhibaatooyin badan ku haysatay dalka Liibiya.

"Waa ilaah mahadiis inaan dalkeyga maanta dib ugu soo laabtay wax walba waxaa ugu muhiimsan Xoriyada, waan u mahadcelinaya dowladdeena oo ka shaqeysay in dalka dib noogu soo celiso, waxaan ugu baaqaya dhalinyarada hada hamineysa iney Tahriibaan iney ka joogaan oo dalkooda aaminaan" ayuu yiri mid ka mid ahaa dhalinyarada dalka dib loogu soo celiyay.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo dhankeeda warbaahinta kula hadashay garoonka gudahiisa ayaa sheegtay iney u mahadcelineyso madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo ay sheegtay iney dadaal badan ku bixiyeen badbaadada dhalinyaradan iyo in dalka dib loogu soo celiyo.

"Waxaan dadaal dheer ugu jirna in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan ee ku xayiran dalalkaas inaan dalkooda dib ugu soo celino, waxaan kalo cadeynaya in Tahriibka uu yahay Musiibo oo ay ka waan toobaan dhalinyarada Soomaaliyeed" ayay tiri Danjire Maryan Yaasiin

Ma ahan markii ugu horeysay oo dalka Libiya laga keeno dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi ku dhibaateysan, hayeshee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaana wax tusaale ah ka qaadan dhibaatoyinka ay sheegaan dhalinyarada tahriibka ah ee ayagoo dhibaateysan dalka dib loogu soo celiyo iyo waliba qatarta ay leedahay in la Tahriibo.