4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Dowladda oo faahfaahisay khasaraaha ka dhashay howgal ciidamada Danab ka fuliyeen deegaanka Buq aqable
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalo Xalay ay ka fuliyeen deegaanka Buq aqable ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab in lagu dilay 11 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka Danab ay ka hortageen xubno ka tirsan Shabaab oo ku safraayay meel u dhaw deegaanka Buq aqable, islamarkaana looga gubay gadiid dagaal oo ay ka carareen Al-shabaab.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay gacanta ku dhigeen Buq aqable oo ka mid aheyd deegaanada gobolka Hiiraan ee dhowr iyo tobankii sano ee lasoo shaagay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

“Ciidamada Kumaandooska Qaranka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa Argagixisada Al-Shabaab ka dilay 11 halka ay ka gubeen Gaadiid, waxay ku socdaalayeen meel u dhaw Magaalada Buqaqable ee Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Buq aqable oo haatan gacanta u galay ciidamada iskaashaya ayaa noqonaya deegaankii ugu muhiimsana Al-shabaab oo ay ku lahayeen Galbeedka gobolka Hiiraan, waxaana arintan ay imaaneysa xili howgaladii Bariga gobolka Hiiraan ay noqdeen kuwa mira dhalay oo Al-shabaab looga saaray ku dhawaad 50 deegaan oo ay kaga sugnayeen Bariga Hiiraan.