4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay safaarad iyo qundsuliyad ka furanayso dalka Morocco
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada New York kaga dhawaaqday go’aan ay ku doonayso inay safaarad kaga furato magaalada Rabat iyo qunsuliyadda guud ee magaalada Dakhla ee dalka Morroco.

“Soomaaliya waxay go’aansatey inay safaarad ka furato Rabat iyo Qunsuliyadda guud ee Dakhla,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii wasiirku kulan uu la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga Afrika iyo Morroco, Nasser Bourita, oo ka qeyb galay kulanka Qaramada Midoobay.

Soomaaliya iyo Morroco “Waxay taageerayaan madax-bannaanidooda iyo wadajirkooda dhuleed,” ayuu madaxa diblomaasiyadda Soomaaliya ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed lasoo saaray.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaay inuu labada dal ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan saaxiibtinimo iyo wadajir.

Wasiirka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in la saxiixi doono qorshaha iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka iyo Ergayga Joogtada ah ee Dowladda Morroco u fadhiya Qaramada Midoobay, Cumar Hiiraale.