4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo gabal dhacii shalay ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab deegaanada Sinadhaqo iyo Labidule oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ka dhacay Sinadhaqo iyo Labidulle ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo deegaanadaasi ay ka sameysteen ciidamada dowladda ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanadaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada lagu dagaalamay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dagaalkaasi ay ciidamada dowladda ku dileen 10 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab ee weerarka soo qaaday, islamarkaana aysan dhankooda soo gaarin wax khasaare ah.

Todobaadkan gudahiisa ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanada Sinadhaqo iyo Labidulle oo magaalada Dhuusamareeb qiyaas ahaan u jira ilaa 30 KM, halkaaso ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka iney aheyd goobta Al-shabaab ay kasoo abaabuli jireen falalka amaan daro ee ka dhaca magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.