4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Xukuumada Somaliland oo soojeedisay in baadhitaan lagu sameeyo xisbiga Waddani
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiga Waddani ku eedaysay in aanu difaacin qaranimada Somaliland, waxayna soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo sababta.

Maareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi oo waraysi siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay in madaxda xisbiga Waddani anay waligood u jawaabin madaxda Soomaaliya, marka ay sheegaan wax taabanaya qaranimada Somaliland.

"Waxan xisbiga Waddani waydiinayaa xogeeyihiisa guud iyo musharixiisa, waligood muqaal ay leeyihiin oo ay Soomaaliya kula hadlayaan, ama Farmaajihii Somaliland maagay ee waxwalba ku sameeyay, ama Xasan Sheekhan maanta bu'ayay ee madaxweynuhu u jawaabayay bal eray ay yidhaahdeen soo saar" ayuu yidhi Cumar Sayid.

Waxa uu xisbiga Waddani usoo jeediyay in ay umada u sheegaan sababta ay ugu jawaabi waayeen madaxda Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay sheegaan hadii Soomaaliya sir ka hayso iyo in kale.

Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani looga fadhiyo in ay ka jawaaban hadalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay dalka Maraykanka, ee uu ku sheegay in aanu ogolayn madaxbannaanida Somaliland.

Dhinca kale, Waxa uu bogaadiyay xisbiga kale ee mucaaraka ah ee UCID, oo uu sheegay in uu meel adag iska taago markasta oo madaxbannaanida Somaliland lasoo weeraro. Waxa uu soo jeediyay in la baadho sababta keentay in madaxda Waddani anay wax jawaaba siin madaxda Soomaaliya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]