4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Bilaal Bulshaawi oo baraha bulshada caan ka ahaa oo Muqdisho lagu dhaawacay

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Rag hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada sida TIKTOK, oo looga yaqaanay madaxweynaha TIKTOK.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in saddex xabbadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa sida madaxa. Hase yeeshee dhaawiciisa ayay wararku sheegayaan inuusan aad u cuslayn.

Waxaa dhaawiciisa  la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad haatan lagula tacaalayo, iyadoo dad badan halkaas isugu tageen.

Lama oga cidda ka dambeysa falkaan lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku lug lahaa arrimaha samafalka dadka abaaruhu saameeyeen.