4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Koonfur Galbeed: Dowladda federalku kaligeed nooma go’aamin karto dhaqaalaha ay nasiinayso
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen ayaa sheegay dowladda federalka Somaaliya in 94 milyan oo dollar oo caalamka laga helay ay ka siisay dowlad goboleedyada iyo Somaliland wax ka yar 15%.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay, dowladda federalku inay jebisay habkii wax loo qeybsan jiray oo ahayd, in dowladda dhexe ee federaalka yeelato 60% dhaqaalaha caalamka ka yimaada, halka dowlad goboleedyada oo lagu daray Somaliland ay yeelanayeen 40%.

“Annagoo rajeynaynay in qaacidooyinkii hore ama formuladii aan horey u isticmaalaynay wax ku qeybsano, ama hadda aan isku imaano, si haddana mar labaad aan wada hadal uga galno. annagoo ka fikirayna taas ayaa waxaa dhacday in wasiirkii maaliyadda ee cusbaa uu go’aan iska qaatay, markaas kadibna central Bank aan ka maqalnay lacag intaas le’egaa idin haynaaye, oo weliba markii la isku daro Somaliland iyo dhammaan dowlad goboleedyada wax ka yar 15% ay u qoondeeyeen,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sheegay dowlad goboleedyadu inaysan cabaqabad ku noqonayn dayn cafinta Soomaaliya.  laakiin wuxuu si cad u sheegay maadaama uu dalku federal yahay in aysan sax ahayn in dowladda federalku kaligeed dowlad goboleedyada u go’aamiso dhaqaalaha ay siinayso.

“Soomaalidu waxay dhahdaa, “Nin buka nin baahan Barax looguma dhiibo”. Iyadoo bukaan ah oo tacbaan ah ayaa boqol milyan lasoo marsiiyay. Marka waxay doonaayeeneey sameeyeen, waxayna nagu noqotay wax aan la yaabno,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Koonfur Galbeed.

Hadalkaan ayuu wasiirka ka sheegay dood dhinaca intenetka ah oo looga hadlayay go’aankii wasiiradda dowlad goboleedyada xiriirka ugu jareen Wasaaradda maaliaydda dowladda federalka.