9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Nabadoono caan ka ahaa Baledweyne oo ku dhintay qarax miino ah

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Cagoole oo magaalada Baledweyne dhanka Koonfureed kaga beegan ilaa 45 KM ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino uu ku haleeyay gaari ay saarnayeen dad safar ahaa oo u badna Nabadoono.

Inta la xaqijjiyay waxaa qaraxaasi miino ku geeriyooday Nabadoon Yuusuf Fiidoow Faarax iyo wiilkiisa Ibraahin Yuusuf Fiidoow, Nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, waxaana la sheegay iney u geeriyoodeen qaarkood dhiig bax badan, maadama goobta ay in mudo ah wax ugu tago aysan helin.

Tan iyo markii uu gobolka Hiiraan ka bilaawday dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Macawiisleeyda iyo Al-shabaab, waxaa soo kordhaayay khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaraya miinoyinka ku aasan wadooyinka lagu safro ee u dhaxeeya magaalooyinka kala ah Baledweyne, Maxaas, Matabaan iyo Buulaburte waxaana qaraxyadaasi miino ku dhintay labadii bilood ee lasoo dhaafay dad ka badan 15 ruux oo shacab ahaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay afarta ruux ee Nabadoonada u badnaa, islamarkaana uu ku dhaawacmay qofka kale ee la socday in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay qaraxa miino ee ku dhinteen dadka Nabadoonada ahaa ayaa waxay sheegeen in qaraxaasi uu ahaa weerar ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta Mareykanka ee Drones-ka.

Nabadoonada dhintay ayaa la xaqiijiyay inay usii socdeen maxkamad ku taala deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan oo ay Al-shabaab uga yeereen Nabadoonada.












Click here
9/17/2022 8:42 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - In ka badan 30 dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

9/17/2022 8:18 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland, ayaa mamnuucay bacda madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta, laydhka awooda badan ee baabuurta iyo hoonka dhawaqa dheer.

9/17/2022 6:37 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dhameystirka hannaanka deyn cafinta, kaddib wadahadal madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Adduunka ku dhexmaray magaalada Washing DC.

9/17/2022 4:20 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Geeska Afrika.

9/17/2022 1:41 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgal ciidanka nabadsugida ka sameeyeen Waydow, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo lagu soo qabtay 10 xubnood ka tirsan Al-Shabaab.

9/17/2022 1:06 AM EST
Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Eritariya ayaa sheegaya in dowladda Eritariya ay u yeedhay ciidankeedii keydka ahaa ee da’doodu ka yar tahay 55 jir, si ay uga qayb galaan dagaalka ay Eritariya kula jirto kooxda TPLF, waxayna dowladda Eritariya ku amartay ciidamadaas keydka ahaa inay soo qaataan bustayaashooda iyo agabkii ay biyaha ku cabbayeen, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidanka ee u dhaw.