4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socday QM oo kawada hadlay wax ka qabashada saamaynta abaaraha
 

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Muqdisho kula qaatay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadamnimada iyo gargaarka degdegga ah ee OCHA, Martin Griffiths.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani'aadamnimada, iyo saameynta abaaraha ka jira dalka iyo qeybo ka mid ah gobolka geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga shacabka Soomaaliya, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan u gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani'aadanimo ee ka dhashay.

Wakiilka OCHA Martin Griffiths ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.

In ka badan labo malyuun oo Soomaali ah ayaa ku barakacay abaarta sii xoogaysanaysa ee ka jirta gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale todobo malyuun oo qof ay abaartu si guud u saameysay.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay weli gargaar lama taaban karo kama geysan abaaraha, inkastoo gobolada aadka u darran gurmad aan badnayn la gaarsiiyay, haddana waxaa aad looga cabsanayaa inay abaartu sababto macluul adag.

Meelo badan oo gobolada dalka ah siiba gobolka Gedo, boqolaal qof oo u badan carruur ayaa sannadkaan abaarta ugu geeriyooday, welina waxaa aad looga cabsi qabaa in dhimashadu aad u kororto.