4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo ka hadlay soojeedintii guddida ganacsatada
 

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Garyaqaanka Guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa soojeedintii guddida ganacsada, ee odhanaysay "Ha la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada" ku tilmaamay dood jaban.

Garyaqaan Maal waxa uu tilmaamay in doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada Somaliland anay is raaci karin farsamo ahaan iyo sharci ahaanba, isagoo sheegay in qabashada doorashada urruradu ay shardi u tahay in la qabto doorashada madaxtooyada.

"Su'aashaa ah doorashooyinka madaxtooyad iyo urrurada waa laysku sidki karaa, ee garyaqaanadu ka hadleen, waxay tahay in anay israaci karin farsamo ahaan iyo sharci ahaanba" ayuu yidhi Maal. "Sababtoo ah labada doorasho shardi ayay isku yihiin, marka midi dhacdo ayaa mida kale la gali karaa".

Waxa uu sheegay in doorashooyinkani ay ka duwanyihiin doorashooyinkii isku nidaamka ahaa, ee golayaasha deegaanka iyo wakiilada, oo kali ah doorashada madaxtooyada la gali karo, marka doorashada xisbiyada la qabto.

Waxa uu sheegay in xisbiyada hada jooga ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ay ku jiraan xaalad kala wareeg ah, xaaladaas oo sharcigu jidaynayo in xisbiyadu galaan marka 6 bilood ka hadhsantahay mudo xileed kooda, sida darteedna lagu jiro sidii doorashada xisbiyada loo gali lahaa.

Guddidii ganacsatada ahayd ee isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashooyinka Somaliland, ayaa soojeediyay in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada, soojeedintaasi oo axsaabta mucaaradka ah oo kali ahi ay soo dhaweeyeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]