4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
7 qof oo isku qoys ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen hoobiye gurigooda kusoo dhacay
 

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Todobo qof oo isku qoys ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Hoobiye saakay aroortii ku dhacay gurigooda oo ku yaala degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Saddex qof oo labo kamid ah ay carruur yihiin, kuwaas oo uu awoowe u ahaa xidlhibaan Cali Ganey oo horey barlamaanka Soomaaliya ugasoo mid noqday, ayaa ku geeriyooday hoobiyaha gurigooda kusoo dhacay.

Xildhibaan hore Cali Ganey oo booqday hoyga uu hoobiyaha ku dhacay ayaa ururka Alshabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyaan falkaan, isagoo sheegay inay doonayaan inay ku muujiyaan amni xumada magaalada Muqdisho.

“Anigoo jiifay waxaan ka war helay jug culus. Haddii bannaanka usoo baxayna, waxaan ka war helay gabartii deriska ahayd oo cabaadaysa oo dhahaysa, “ilmahaygii way dhammadeen. Gabadhiiyaan kusoo kala orodnay. Ilmihii aan soo daldalnay qaarna iyagoo mayd ah ayaan bannaanka usoo bixinay, qaarna iyagoo dhaawaca,” ayay tiri haweeney kamid ahayd dadkii usoo gurmaday qoyskan.

Saddex kamid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladdooda caafimaad laga dayrinayaa, iyagoo lagula tacaalayo isbitaalada magaalada Muqdisho.