4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
Al-shabaab oo qarxiyay Ceel biyoodkii deegaanka Cadakibir iyo laba ka mid ah xarumaha Isgaarsiinta deegaankaas
 

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadakibir oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay qarxiyeen Ceelkii biyaha ee ku yaalay deegaankaasi iyo laba ka mid ah xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Cadakibir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay qarxiyeen Xalay saqdii dhexe Ceel biyoodkii deegaanka iyo xaruumaha laba shirkad oo ah kuwa Isgaarsiinta oo ku yaala deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, xiligaas oo ay dadka deegaanka hurdayeen.

Deegaanka Cadakibir oo ay Al-shabaab ka qarxiyeen Ceel biyoodkii ayaa ka mid ahaa deegaanada markii horaba ay ka jirtay xaaladaha abaareed, waxaana haatan dadka deegaankaasi ugu sii darsamaya xaalad biyo la'aan ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa horay sidaan oo kale waxay u qarxiyeen Ceel biyoodyada in ku dhaw ilaa 10 deegaan oo hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay gubeen guryahii ku yaalay ilaa 7 deegaan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas.

Waxii ka dambeeyay markii Al-shabaab ay qarxiyeen Ceelashii biyaha ayna gubeen guryahii deegaanada qaar waxaa ka dhashay kacdoon ay sameyeen dadkii Shabaab ay ka gubeen aqaladoodii, kuwaas oo haatan dagaaladii ay bilaabeen ay ku biireen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dibna ula wareegay deegaanadii ay Shabaab ka gubeen ee gobolka Hiiraan.