4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
Hoobiyeyaal lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho
 

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay Hoobiyayaal xalay lagu garaacay qeybo kamid ah xaafaddaha magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday mid kamid ah hoobiyayaashan oo ku dhacay degmada Xamar-wayne, gaar ahaan halka loo yaqaano Case-Italia.

Saddex qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay hoobiyayaal kale oo ku dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shangaani ee gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocaan oo kale ah.

Hay’addaha amniga ee dowladda weli kama hadlin duqeyntan, inkastoo mar walba ay ku eedeeyan kooxda Alshabaab inay hoobiyayaasha kusoo tuurto xaafaddaha shacabku degen yihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale hoobiyayaal lagu garaacay xaafaddaha Muqdisho ay dad shacab ah waxyeelo kasoo gaaray, qaarkood ku naafoobeen.