4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2022
Guddiga hortagga jirdilka ee QM oo ku eedeeyay hay’adaha amniga Soomaaliya tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha
 

Sabti, November, 26, 2022 (HOL) - Guddiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga jirdilka ayaa soo saaray natiijada baaris ku saabsanayd tacaddiyada ka dhanka ah jinsiga ee ka dhaca dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Guddiga ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo ka tirsan dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn ay geystaan xadgudubyo jirdil ah.

Guddiga Qaramada Midoobay waxaa kale oo uu sheegay in xukunnada dilalka ah ee ka dhaca Soomaaliya ay soo bandhigaan arrimo halis ah oo kasoo horjeeda ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Waxay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in si degdeg ah loo dhiso hay'ad qaran oo xuquuqda aadanaha ah iyo in la hubiyo oo la baaro dhammaan jirdilka ay geysteen hay’adaha dowladda.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qaado dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si loo xoojiyo ilaalinta dhammaan dadka rayidka ah, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee bani'aadamnimada.

Bayaan kasoo baxay xafiiska xuquuqul insaanka ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyadu ku lugta leh arrimahan inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo.