4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2022
Ciidamada Booliiska Somaliland ee Laascaanood oo gacanta ku dhigay koox argagixiso ah
 


Sabti, November, 26, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood, ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso ah oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilalkii sannadihii u danbeeyay ka dhacayay magaalada.

Sida lagu daabacay wargayska ku hadla afka xukuumada Somaliland ee Dawan ee xiganaya, Ciidanka Booliiska Gobolka Sool, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay kooxdan.

"Ciidanka Booliska Gobolka Sool oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe  Cali Axmed Shire, ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad  aragagixiso oo dilal qorshaysan hore uga fuliyay gobolka Sool" sida Lagu xaqiijiyay qoraal ka soo baxay booliska qaybta gobolka Sool.

Wargayska ayaa sheegay in kooxdani ay booliiska iska caabin kala horyimaadeen, xiligii la qabanayay, lakiin ay ciidamada booliisku si buuxda ugu guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan, isla markaana ay ciidamadu ku daba jiraan kooxo kale oo baxsad ah.

Hadaba, waxa la sheegay in mid kamid ah shabakadu uu dhaawacmay xili ay dil gaysanayeen, kadibna ciidamada booliisku daba galeen ninkii dhaawacaha ahaa, sidaana ay kusoo qabteen koox budhcad ah oo 7 qof ka kooban, oo dagan guri magaalada ku yaala.

Kooxda oo la sheegay in ay ka koobnaayeen 6 nin iyo 1 gabadh, ayaa markiiba losoo qaaday magaalada Hargaysa, si loogu xidho.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]