4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 25, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 30 katirsan Shabaab lagu dilay dagaalkii Qaayib
 

Jimco, November, 25, 2022 (HOL) - Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa sheegay ku dhawaad 30 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab in lagu dilay dagaal saakay ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxa uu sheegay in Alshabaab ay ku fashilmeen isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Qaayib, kadib markii ay kusoo qaadeen weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday.

Wasiir Alcaddaala wuxuu sidoo kale beeniyay sheegashada Alshabaab ee ah inay qabsadeen Qaayib oo ay dileen 49 askari.

Wuxuu ku tilmaamay dacaayad ay doonayaan inay dadka ku jahwareeriyaan.

Wuxuu sheegay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug inay ka geeriyoodeen saddex askari, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo uu sheegay inuu xaalkooda caafimaad fiican yahay.

Sababta ay mar walba Alshabaab usoo weeraraan Qaayib ayuu wasiir Alcaddaala ku tilmaamay inay tahay, in Alshabaab u arkaan inay lumiyeen deegaan muhiim u ah joogitaankooda Mudug iyo Galgaduud.