4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 25, 2022
Sarkaal katirsanaa Booliiska Kenya oo lagu macagaabo Axmed Rashiid oo wajahaya dacwado dil ah
 

Jimco, November, 25, 2022 (HOL) - Sarkaal horey uga tirsanaa booliiska dalka Kenya oo lagu magacaabo Axmed Rashiid ayaa lagu soo eedeeyay eedeymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isagoo wajahaya dacwad dil ah.

Hay’adda Madaxa Banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inuu sarkalkaan lug ku leeyahay dilka labo dhallinyaro Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir Kheri.

Dilka ayaa ka dhacday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi 31-kii March, 2017.

Agaasimaha dacwad oogista ayaa taageeray natiijooyinka hay’adda IPOA ee ah in ay jiraan caddaymo ku filan oo lagu soo oogi karo Axmed Rashid dil, sida ay booliisku ku sheegeen bayaan.

Axmed Rashid oo ka howlgalayay saldhigga booliiska Pangani ee xaafadda Kasaraani, ayaa warbixin laga diiwaan galiyay waxay muujinaysaa in ay ka dhaceen dilal sharci darro ah.

182 dil oo la diiwaan galiyay, ayaa 30 ka mid ah lala xiriiriyay saldhigga booliiska Pangani, qaar waxaa lagu eedeeyay Axmed Rashiid.

Rashid ayaa hogaaminayay koox booliis ah oo lagu magacaabo Pangani Six, oo caan ku ah dilalka sharci darrada ah ee tuhmanayaasha dambiyada.

Sannadkii 2017-kii, Rashiid ayaa kamaraduhu qabteen isaga oo laba nin oo aan hubaysnayn ku tooganaya xaafadda Islii, xitaa ka dib markii ay is-dhiibeen.