4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 25, 2022
Alshabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud
 

Jimco, November, 25, 2022 (HOL) - Alshabaab ayaa weerar labo jiho ah oo ku billowday qaraxyo ku qaadday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Waxaa lasoo sheegay inuu dagaalkii ugu culus halkaas saakay waaberigii ka dhacay, iyadoo khasaare aad u badan uu ka dhashay.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Alshabaab si wayn loogu jabiyay weerarka ay kusoo qaadeen Qaayib.

Dowladdu waxay sheegtay in la fashiliyay saddex Qarax oo Alshabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.

Dowladdu waxay sheegtay inay Qaayib si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada huwanta ah ee Dawladda iyo deegaanka.

Dhinaca kale, kooxda kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay weerar cagmarin ah ku qaadeen Qaayib ayna la wareegeen oo ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii Alshabaab sidaan oo kale u weerareen deegaanka Qaayib, iyagoo la wareegay oo ku furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Inkastoo dowladdu ay beenisay sheegashada Alshabaab ee ah in la qabsaday Qaayib, haddana Alshabaab ayaa soo bandhigay ciidamadeeda oo gudaha u galay Qaayib.

Qaayib waa deegaan muhiim ah oo katirsan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud. Beesha kasoo jeeda deegaankaas ayaa go’aansatay inay la dagaalamaan Alshabaab.