4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray deegaanka Nuur-Dugle oo laga xoreeyay Alshabaab
 

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan halgankooda.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Alshabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in waddankaan laga ciribtiro Alshabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Alshabaab ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.

Waa safarkii labaad oo madaxweynuhu ku tagayo deegaannada laga xoreeyay Alshabaab, muddo labo todobaad gudaheed. Todobaadkii hore wuxuu madaxweynuhu isku maray deegaano ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo Alshabaab laga xoreeyay.