4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa
 

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi, ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii guud iyo wasiirkii horumarinta iyo maalgashiga Somaliland.

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu xilkii ka qaaday Wasiirka Maalgashiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare, iyo Xeer Ilaaliyihii Guud Xasan Axmed Aadan.

Madaxweynaha ayaa wasiirka wasaarada maalgashiga u magacaabay Aamina Cilmi Fariid Badeed, halka uu xeer ilaaliyaha guudna u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri.

"Waxaan go’aamiyey in Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Aamina Cilmi Fariid Badeed na laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland".

Wareegtada xilka qaadista iyo magacaabista ah, ayaa waxa ku saxeexnaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]