4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Qaramada Midoobay oo sheegtay in saxaafadda Soomaaliya lagu hayo cabsi galin joogto ah
 

Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya lagu hayo hanjabaad joogto ah iyo cabsi galin ka dhan ah gudashada waajibaadkooda shaqo.

Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, ayuu danjiraha QM ku nuuxnuuxsaday doorka muhiimka ah ee warbaahinta dalku ay ku leedahay bulshada Soomaaliyeed.

"Saxaafadda Soomaaliya waa qayb muhiim ah oo ka mid ah kobaca dimuqraadiyadda, waxayna u baahan yihiin inay awooddaan inay shaqadooda si xor ah u wataan," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Soomaaliya, James Swan.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa sheegay, in Muddadii u dhaxaysay May 2021 ilaa May, 2022, la diiwaan- geliyay 98 xad-gudub oo lagula kacay wariyayaasha Soomaaliyeed. Waxaana la dilay 1 weriye, waxaana la xiray 53 wariye, waxaana dhibaatayn iyo handadaad la kulmay 37 weriye.

Golaha Qaramada Midoobay oo maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka asteeyay sannadkii 1993-kii, ayaa ah Maalin ay xasuusin u tahay dawladaha baahida loo qabo in la ixtiraamo xorriyadda saxaafadda, lagana difaaco weerarrada ka dhanka ah madax-bannaanidooda, iyo in la xuso saxafiyiinta naftooda ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]