4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Dagaal culus oo qaraxyo ku bilaawday oo ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe
 

Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qaraxyo xoogan oo lagu qaaday Saldhig ay cidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leyihiin deegaanka Ceel baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Weerarka ayaa ku bilaawday qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, waxaana xigay dagaal toos ah oo lagu beegsaday goobaha laga ilaaliyo Saldhiga, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka Ceel baraf.

Ciidamada ATMIS ee ku sugnaa Saldhiga la weeraray ayaa ah kuwa ka jooga dalka Burundi gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay iney baneeyeen Saldhigii ay ku sugnayeen, dabadeedna ay Al-shabaab gudaha u galeen.

Dagaalmayaasha Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka aroornimadii hore ee saakay lagu qaaday deegaanka Ceel baraf ee gobolka Sh/dhexe, waxay ku sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gudaha Saldhiga, kadib muddo kooban oo ay dagaal la galeen ciidanka Midowga Afrika ee ku howlgala Magaca ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qoraalo ay ku daabaceen barahooda ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen in xasuuq ba'an ay u geysteen ciidamada Burundi oo ay meydadkooda ay dhexyaalaan gudaha xerada iyo banaankeedaba, hayeeshee maysan sheegin Al-shabaab tirada rasmi ah ay ku dileen weerarka.

Wararka madaxa banaan ee laga helayo dagaalka ayaa sheegaya in la xaqijiyay dhimashada ilaa afar askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dhaawaca shan kale, mana jirto war rasmi ah oo laga helay khasaaraha kala gaaray dhinacyada ciidanka ATMIS iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanka Ceel Baraf waxa dhowr mar ka dhacay weeraro Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegaankaas oo muhiim u ah deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weerarkaan la sheegay inuu ahaa kii ugu xoogana ee ka dhaca deegaanka Ceel baraf.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online