4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dabkii Xalay ka kacay suuqa Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho
 

Jimco, May, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka hadlay dabkii xooganaa ee Xalay ka kacay suuq ku yaala Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa socday dhowr saacadood oo xiriir ah, waxuuna baaba'shay goobo ganacsi oo kala duwan, hayeshee waqti dambe ayaa lagu guuleystay damintiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dabkaas khasaaraha hantiyadeed geystay ayaa sheegay inuu  dhibka la wadaagayo ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda uga gubatay dabka xalay ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaala Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

"Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow. Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in musiibada dabka ay ka mid waxyaabaha loo baahan yahay maareyntooda, islamarkaana waqtiga ugu dhaw xalkeeda la gaari doono.

Dabkan geystay khasaaraha hantiyadeed ee ilaa hadda aanan si rasmi ah loo shaacinin waxaa horay uga hadlay Raysal wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online