4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2022
Rooble iyo Cabdi Xaashi oo ka wada hadlay dhammeystirka iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha
 

Isniin, May, 2, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare  ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada aqal ee BJFS.

Rooble ayaa xalay sheegay inuu dalku u baahan yahay inuu galo isbeddel siyaasadeed oo looga gudbi karo xaaladda uu dalka ku sugan yahay, amni ahaaan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Sidaas oo kale Rooble ayaa labo maalin ka hor la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, Sheikh Aadan Madoobe, isagoo kala hadlay dedajinta doorashada madaxweynaha, ugana mahad celiyay sidii barlamaanka howlihii dastuuriga ah uu u gutay.

Si kasta ha ahaatee, raysal wasaaraha ayaa xalay daboolka ka qaaday inaanu wax damac ah kaga jirin inuu iskusoo sharraxo xilka madaxweynaha, isagoo sheegay inuu taas ka door biday inuu dalka ka badbaadiyo xaaladda uu ku sugan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]